Haddii aad la kulanto dembi la xiriira sharaf-ilaalinta

Door muhiim ah ayaad ka ciyaari haddii aad la kulanto carruur iyo dhallinyaro qaangaar ah oo laga yaabo in loo geystay dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta. Waxa ay qeyb katahay u nuglaanshaha waana qeyb kamid ah ilaalinta dadka nugul.

Carruurta iyo dhalinyarada qaangaarka ah ee la kulma dembiyada sharaf-ilaalinta la xiriira ama kuwa lagu khasbo inay ku hoos noolaadaan koontarool adag ee waaqiciga guud waxay la kulmi karaan murugo shucuureed oo daran. Inta badan waa kuwo dhaca in xaddidaadaha ay sii adkaadaan kolba marka canuga uu sii weynaado. Haddii adiga, qof weyn ka ahaan, ka shakisan tahay in canug agagaarkaaga ku nool uu ku nool yahay deegaan wanaagsan, waa inaad fiiro gaar ah u yeelataa tilmaamayaasha kala duwan ee dulmiga iyo rabshada ah.

Qeexitaanka rabshada iyo dulmiga la xiriira sharaf-ilaalinta

Dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta waxaa kala sooca xaqiiqda ah xiriirka ay la leeyihiin, kow qaraabada soke oo badan, oo leh awood iyo xukun ay ku maamulaan hal ama in kabadan oo haween iyo gabdho ah.  Fikradda sharaftu waxay si qoto dheer uga jirtaa qiyamka abtirsiimada iyo qiyamka doorka ragga iyo dumarka ay kala leeyihiin waxaana loo isticmaali karaa in lagu caddeeyo rabshadaha iyo dulmiga ka dhanka ah ragga iyo wiilasha dhalinyarada ah, si gaar ah shakhsiyaadka LGBT.

Calaamadaha nuglaanshaha gabdhaha iyo haweenka

Waxaa jira tiro tilmaamayaal ah oo qofka dumarka ah ama loo aqoonsado dumarnimo uu khatar ugu jiray ama ugu jiro in loo geysto dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta. Astaamuhu waa ay kala duwanaan karaan iyada oo ay ku xiran yihiin in gabadha ama haweeneyda la guursaday ama aanan la guursan.

Qaar kamid ah tusaalooyinka gabdhaha iyo haweenka aan la guursan waxaa kamid noqon kara:

  • inay guriga toos u aadaan iskuulka kadib oo aanan loo oggoleyn inay wax wakhti firaaqo ah qaataan ama hawlaha manhajka kabaxsan,
  • inaanan loo oggoleyn inay wiilasha la hadlaan ama shaqaalaha ragga ah ee iskuulka,
  • inay qaab gooni ah u labistaan,
  • in wiilka ladhashay, wiilka ay ilmo adeerka yihiin ama qaraabada kale, dariska ama kuwa ay isku-dalka kasoo jeedaan ay ka walwalaan marka ay arkaan iyada oo sameyneysa waxyaabo aanan loo oggoleyn inay iskuulka ku sameyso ama haddii kale meel kabaxsan guriga.
  • inaanan loo oggoleyn inay kaqeybqaataan dhamaan hawlaha qasabka ah ee iskuulka sida dabaasha, galmada, ogolaanshaha iyo cilaaqaadka iyo safarada iskuulka ee habeenki la dhaxo,
  • inay walwalaan fasaxyada xagaaga kahor, safarka lagu aadayo wadanki ay kasoo jeedeen ama safarka ay ku aadayaan qaraabadooda ku sugan Iswiidhan.
  • inay qabaan su'aalo kusaabsan Gudniinka Fircooniga (FGM), hubinta bikranimada ama qalliinada lagu sooceliyo bikranimada, iyo
  • inay ka cabsadaan in macluumaadka kusaabsan caafimaadka taranka, tusaale ahaan kuwa khuseeya ka hortagga uurka ama ilmo iska soo-xaaqidda, ay soojiidaneyso dareenka qoyska.

Astaamaha in haweeney la qabo ay ku nooshahay xaalad sharaf-ilaalin waxa ay noqon karaan:

  • inaanan la furin,
  • inaanan loo oggoleyn inay shaqeystaan ama dhaqaalahooda bixiyaan,
  • inaanan loo oggoleyn inay doortaan dharkooda,
  • inaanan loo oggoleyn inay iskooda dibada u soo baxaan,
  • in lagu qasbo inay kuwa kale kula kacaan dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta, iyo
  • inaanan loo oggoleyn inay la macaamil saaxiibtinimo la yeeshaan ragga kabaxsan qoyskooda.

Calaamadaha nuglaanshaha wiilasha iyo ragga

Xitaa dadka oo dhalasho ahaan loo arko inay wiilal iyo rag yihiin ayaa loo geysan karaa ama halis ugu jira dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta, waxaana jira tilmaameyaal gaar ah oo u nuglaansho ah oo ay tahay in laga warqabo.

Qaar kamid ah astaamaha wiilasha iyo ragga aanan guursan waxaa kamid noqon kara:

  • inaanan loo oggoleyn inay yeeshaan rabitaan galmo ama aqoonsi oo kabaxsan jinsiga kasoo horjeeda,
  • in lagu qasbo inuu guursado isaga oo aan raali ka ahayn,
  • in loo diido inay u noolaadaan sida ay doonayaan iyo ka dalbashada ah inay koontoroolaan gabdhaha ladhashay iyo kuwa qaraabada marka ay joogaan dugsiga barbaarinta ubadka, iskuulka iyo wakhtiga firaaqada,
  • in loo diido inay u noolaadaan sida ay doonayaan iyo ka dalbashada ah inay ciqaabaan ragga qalaad ee xiriirka layeesho gabar qaraabada ah, iyo
  • in lagula kaco hanjabaad, gardarro, rabshad, xaqiraad, barakicin, barbaarin ama guur haddii uusan u hoggaansamin dalabaadka saaran ragga kujira waaqiciga kooxda ee sharaf-ilaalinta.

Astaamaha in nin reer leh uu ku nool yahay xaalad sharaf-ilaalin waxa ay noqon karaan:

  • inaadan awoodin inaad adigu doorato lamaanahaaga,
  • inaanan la furin,
  • in loo diido inay u noolaadaan sida ay doonayaan iyo shuruudaha ah inay ciqaabaan haweeney reerka ah ama nin haweeney xiriir guurka kabaxsan la yeeshay.
  • in loo diido inay u noolaadaan sida ay doonayaan iyo ka dalbashada ah inay u geystaan carruurtooda, tusaale ahaan, koontorool, gudniin ama guur, iyo
  • inay khatar ugu jiraan ama loo geysto hanjabaad iyo rabsho iyada oo ay sabab u tahay xiriirka uu laleeyahay haweeney qoyskeeda ay ku nool yihiin heerarka sharaf-ilaalinta.

Astaamaha unuglaanshaha ee dadka ah LGBTQI

Dadka loo aqoonsado inay yihiin LGBTQI waxaa laga yaabaa inay siyaabo dheeraad ah ugu nugul yihiin marka loo barbardhigo gabdhaha, haweenka, iyo ragga. Waxaa jira tilmaamayaal laga eego si loo go'aamiyo haddii shakhsi ah LGBTQI loogeysto ama halis ugu jiro in loo geysto dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta.

Qaar kamid ah astaamaha dadka ah LGBTQI:

  • inaanan loo oggoleyn inay yeeshaan rabitaan galmo ama aqoonsi oo kabaxsan jinsiga kasoo horjeeda,
  • inaanan loo oggoleyn inay muujiyaan bandhigga jinsiga u dhigma aqoonsiga iyo dareenka qofka.
  • in lagu qasbo inuu guursado isaga oo aan raali ka ahayn,
  • in lagula kaco waxa loogu yeero iskudayada beddelitaanka,
  • inaanan loo oggoleyn inuu u labisto sida uu rabo,
  • inaanan loo oggoleyn inay dhexgalaan meelaha LGBTQI, iyo
  • inaanan loo oggoleyn inay kahadlaan oo ay soo bandhigaan aqoonsigooda dhabta ah.

Cilmi baaris kusaabsan dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta (ku qoran Af-Iswiidhish)

Devin Rexvid waa bare sare iyo cilmi baare oo wax ka dhiga Jaamacada Stockholm. Filimkan dhexdiisa, waxa uu oga hadlayaa, iyo waxyaabo kaleba, dabiiciga dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta, baahsanaantiisa, iyo tilmaamayaasha muujinaya u nuglaanshaha. Intaa wxaa dheer, waxa uu oga hadlayaa waxa ay tahay in bulshadu ay sameyso si ay ula dagaalanto ugana hortagto dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta tilmaamana siiso xirfadlayaasha la kulma dhibanayaasha.

20,02

Waa kuwee xoriyada iyo xuquuqaha lagu xadgudbo?

Xorriyad shakhsiyeed iyo xuquuqda aadanaha oo kala duwan ayey ku xadgudbaan dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta.

Tusaalooyinka xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda lagu xadgudbo marka la joogo waaqiciga sharaf-ilaalinta:

  • Xaqa nolosha
  • Xaquuqda madax-banaanida iyo amniga
  • Ilaalinta siraha shakhsiga
  • Xaqa sinnaanta lammaanaha
  • Xoriyadda hadalka
  • Mamnuucista faquuqa

Muxu sharciga ka qabaa?

Sharciga iswiidhan wuxuu kahortagayaa tacaddiyada iyo dulmiga la xiriira sharaf-ilaalinta. Waxaa sidoo kale lahelayaa agab sharci oo looga hortago lagulana dagaalamo dembiyada la xiriira sharaf-ilaalinta.

  • Gudniinka fircooniga ah ee gabdhaha iyo dumarka waxa uu kahor imaanayaa sharciga.
  • Guurka carruurta aan qaangaarin iyo guurka qasabka ah waxay kayihiin sharci darro Iswiidhan.
  • Guurka carruurta aan qaan gaarin ee kadhacay dibadda lagama aqoonsano Iswiidhan.
  • Guurka hal xaas kabadan waa ka mamnuuc gudaha Iswiidhan.
  • Haddii shakhsi kayar 18 sano uu halis ugu jiro in wadankan meel kabaxsan lageeyo si qof loogu guuriyo, ama in la gudo, ama loo geysto tacadiyada iyo dulmiga kale ee la xiriira sharaf-ilaalinta, waxaa lasoo saari karaa mamnuucista ka bixitaanka wadanka.
  • Muujinta dhiiranaanta ku aadan sharaf-ilaalinta waxay sababi kartaa ciqaab adag.

Marinta gabar ama haweeney tijaabada xaqiijinta bikranimada waxay ka hor imaaneysaa shuruucda iyo qawaaniinta Iswiidhan, sida uu qabo Guddiga Caafimaadka iyo Daryeelka Qaranka. Baare dawladeed ayaa loo igmaday in uu xog ururin kusameeyo baaxadda ay leedahay tijaabooyinka bikranimada iyo "qalniinada lagu soo celiyo xuubka bikranimada" uuna ra'yi kabaxsho isbeddello sharci oo ceynkee ah ayaa loo baahan yahay si loo adkeeyo kahortagga xadidaada galmada aan loo baahnayn ee lagu hayo gabdhaha iyo haweenka.

Waa maxay ikhtiyaaradaadu?

Waxaa laga yaabaa inaad la xiriirto dad loo geystay, halis ugu jira in loo geysto, ama ugeysanaya dad kale dulmiga iyo rabshada la xiriitra sharaf-ilaalinta haddii aad la shaqeyso carruurta iyo dhalinyarada qaangaarka ah. Waad caawin kartaa ilmaha ama kan qaan-gaarka ah adiga oo diyaar u ah, ufurfuran dhegeysigooda , iyo ku dhiirrashada inaad weydiiso su'aalo ku saabsan mawduucyada sida rabshadaha iyo nugeylka.

Mas'uul ahaan, waxaad kala xiriiri kartaa Kooxda Kartida Qaranka ee kadhanka ah dulmiga iyo rabshada la xiriira sharaf-ilaalinta ee khadka caawinta xirfadlayaasha ee Maamulka Gobolka Östergötland. Halkaas waxaad ka heli kartaa talo ku saabsan arrimo qarsoodi ah.

Waxaad talo ku saabsan latacaalidda arrimaha la xiriira sharaf ilaalinta ka raadsan kartaa adeegyada bulshada ee dowladaada hoose. Waxaad la xiriiri kartaa booliska hadii aad kashakiso fal dambiyeed.

Barnahus, ama xarumaha kheyraadka, ee ku yaala gobolo badan ee Iswiidhan oo dhami ee lagusameeyo waxqabadyo diirada lagu saarayo iskaashiga, waxyaabo kale, arrimaha la xiriira sharaf ilaalinta ee saameeya carruurta iyo kuwa qaangaarka ah. Qeybo kale oo gaar ah kuwaa oo si gaar ah uga shaqeeya arrimaha la xiriira sharaf ilaalinta ayaa ka jira qeybo ka mid ah dalka.

Dhammaan ururadu waxay iga rabeen inaan joojiyo xiriirka qoyskayga, laakiin waan ku adkaystay in kasta oo hanjabaad iyo ka-saarid intuba ay jireen...

La wareystaha ku jira warbixinta Guddiga Caafimaadka iyo Daryeelka Qaranka Nolol ka madax bannaan dulmiga iyo rabshada

Warbixinta

U sheeg booliiska haddii aad ka shakisan tahay ilmo ama qof dhalinyaro ah in loo geysto ama uu halis ugu jiro in lagu sameeyo dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf ilaalinta. Xusuusnow in ay kugu waajib tahay shaqaale dugsi ka ahaan in aad iska xaadiriso adeegyada bulshada haddii aad ka shakiso ama aad ogaato in ardaygu dhaqan xumo sameynayo. Uma baahnid inaad hubto inaad ka warbixiso; waxaa kugu filan in aad ka welwelsan tahay in ubadka xadgudub loo geysto.

Ficilada iyo agabka

Waxaad qaadi kartaa laba tillaabo: inaad ka warbixiso walaacyada adeegyada bulshada iyo inaad ku war galiso booliska fal-dembiyeedka laga shakisan yahay. Waxa kaloo jira qaar ka mid ah tallaabooyin iyo qalab loo isticmaali karo in lagu caawiyo oo laga ilaaliyo carruurta iyo kuwa qaan gaarka ah in xadgudub loo geysto.

Mamnuucista bixitaanka

Mamnuucista bixitaanka ayaa canuga loo soo saari karaa si looga hortago in dibada loo kexeeyo oona lagu sameeyo guurka carruurta ama gudniin.

Haddii ay jirto halis la taaban karo oo ah in canug dibada loo qaado ama uu ka tago Iswiidhan iyada oo ay ujeedadu tahay in qof loo guuriyo ama xiriir guur oo kale ah uu galo ama in la gudo, gudiga daryeelka bulshada ayaa codsan kara mamnuucista bixitaanka canuga.

Kiisaska degdegga ah, guddiga daryeelka bulshadu wuxuu soo saari karaa mamnuucid safar oo ku meel gaar ah kadibna waxa ay gudbin karaan maamul maxkamadeed, oo go'aan kagaara in mamnuucida safarka la soo rogo iyo in kale.

Mamnuucidda safarka ee lasoo saaray waa in si joogta ah dib u eegis loogu sameeyaa si loo go'aamiyo in manuucistu weli loo baahan yahay iyo in kale. Waa in mamnuucidda safarka laga qaadaa marki canuga uusan halis kujirin.

Sida uu qabo xeerka (1990:52) oo leh qodobo gaar ah oo kusaabsan daryeelka dhalinyarada qaangaarka ah, LVU, mamnuucista bixitaanka uma baahna inay la socdaan xarig ama tillaabo kale.

Ilaalinta iyo daryeelka dhalinta qaangaarka ah

Tallaabooyinka kale ee laga yaabo inay khuseeyaan arrimaha la xiriira sharaf ilaalinta waxa laga heli karaa sharciga (1990:52), kaas oo ay kamid tahay bixin gaar ah oo ku saabsan daryeelka dhalinta qaangaarka ah, LVU. Maadaama ay mutadawacnimo y ku saleysan, Xeerka Adeegyada Bulshada (2001:453) sida caadiga ah looma isticmaali karo in lagu taageero tallaabooyinka la xiriira kiisaska dulmiga iyo rabshada sharaf ilaalinta.

Ilmuhu wuxuu heli karaa daryeel ku salaysan Faqradaha 2aad ama 3aad ee LVU haddii isaga ama iyadu ay halis ugu jiraan in lagu waxyeelleeyo guriga ama ay muujiyaan dhibaateynta dabeecado bulsheed oo khatar gelinaya ilmaha. Marka loo eego Faqrada 2aad ee LVU, ee la xiriira dulmiga iyo rabshada sharaf ilaalinta, sida halista guurka ilmaha, guurka khasabka ah, ama gudniinka xubinta taranka, waxay noqon kartaa aasaas daryeel.

Faqrada 6aad ee LVU waxay sheegeysaa in ilmaha loo qaadi karo daryeel ilaalin oo degdega ah iyo daryeelka haddii qiimaynta ilaalinta bilawga adeegga bulshadu ay muujiso in baahi loo qabo. Guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ayaa go'aan ka gaaraya daryeelka degdegga ah. Daryeelka degdega ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu khuseeyo haddii dib dambe loo ogaado baaritaanka adeegga bulshada in ay jirto baahi caynkaas ah oo loo qabo ilaalinta taas oo aan daryeel lala sugi karin.

Sida ku cad Faqrada 14aad ee LVU, Guddiga Daryeelka Bulshadu waxa kale oo uu go'aan ka gaari karaa sirta meesha ay ku sugan yihiin ama xaddidaadda xiriirka bulshada.

Deeganaansho la ilaalsho

Dadka loo geystay ama halis ugu jira in loo geysto dulmi iyo rabshado la xiriira sharaf ilaalinta waxay inta badan u baahan yihiin in la geeyo meel ka baxsan gurigooda sababtoo ah xaqiiqda ayaa ah in ay ehelkooda yihiin kuwa khatar ku ah iyaga. Natiijo ahaan, ilaalinta degenaanshaha, iyo sidoo kale guryaha qoysaska iyo guryaha daryeelka ama hoyga ah, ayaa loo baahan yahay (HVB). Guddiga daryeelka bulshadu waa inuu dadka nugul u fidiyaa deggenaansho ku meel gaar ah oo ku habboon baahidooda gaarka ah. Ilaalinta deegaanka ama hoy kale oo ku meel gaar ah waa inuu lahaadaa kheyraad iyo waayo-aragnimo uu ku aqbalo oo uu siiyo ilmaha nugul ee taageerada iyo kaalmada lagama maarmaanka u ah.

Waxaa si gaar ah muhiim u ah in carruurta iyo dhalinyarada qaangaarka ah la xanaaneeyo laguna meeleeyo meel ka baxsan guriga ayna ku helaan taageero joogto ah, maadaama ay aad u adkaan karto in qoyska laga go'o iyadoo ay jiraan xaaladaha inta badan ka jira arrimaha la xiriira sharaf ilaalinta. Waxa kale oo laga yaabaa inaad u baahato caawinta samaynta nolol cusub iyo la qabsiga nolosha maalinlaha ah.

Tillaabooyinka kale

Marka laga soo tago tillaabooyinka sare ku xusan, waxa jiri kara sababo lagu qaado taxadarro dheeraad ah si loogu ilaaliyo carruurta ama qofka yar. Tusaale ahaan, qofka nugul waxa uu ubaahan karaa xog shakhsiyeed oo dhawrsan iyadoo loo marayo daryeelka Hay'adda Canshuurta, mamnuucista xiriirka ayaa loo baahan karaa.

Waxaa jira noocyo kala duwan oo xog shakhsi ah oo la ilaaliyo. Qaabka ugu aasaasisan waa xog qarinta, taasoo micnaheedu tahay in xogta gaarka ah ee kujirta diiwaanka dadweynaha aanan si sahlan lagu galin. Tallaabadan soo socota ayaa lagu ilaaliyaa diiwaanka dadweynaha, taasoo micnaheedu tahay in qofka uu kasii diiwaangashanaanayo degmadi hore xitaa haddii uu kaguuro. Ilaalinta ugu faragelinta badan waxay ku lug leedahay xogta shakhsiyeed ee la been-abuuro, taas oo macnaheedu tahay qofku inuu helo macluumaad cusub oo aqoonsi ah.

Mamnuucista xiriirka micnaheedu waxa ay tahay in qofka loo oggoleyn inuu la kulmo qofka nugul. Khatar cad oo la taaban karo oo dhibaateyn ah, silcin, ama dembi ka galid kadhan ah qofka nugul waa inay jirtaa. Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa gaara go'aanka mamnuucista xiriirka.

Dadka loo geysto dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta waxa ay sidoo kale ubaahnaan karaan kaalmo dhaqaale si ay nolol u sameeyaan, tani ma khusayso ugu yaraan marka la dhigo meel ka baxsan guriga.

Talada iyo taageerada

Haddii aad la shaqeyso carruur iyo dhalinyarada qaangaarka ah ee nugul, waa inaad ka warhaysaa in noocyo kala duwan oo talo iyo taageeraba ah la bixiyo iyada oo ay ku xiran tahay baahiyaha shakhsiga.

Xeerka Adeegyada Bulshada waxa uu ogolyahay bixinta waxkaqabashada sida taageerada wicitaanka iyo dadka lala xiriirayo.. Qofka lala xiriirayo ayaa taageerada iyo caawinta shakhsi ahaaneed ku bixin kara siyaabo kala duwan, oo ay kamid tahay la xiriiridda maamulka.

Waxaa sidoo kale jirta suurtogalnimada in la siiyo wadahadal iyo taageero carruurta iyo dhallinyarada da'doodu ka weyn tahay 13 jir ee ku sugan xarunta qaabilaada dhallinyarada.

Waxaa muhiim ah in la xasuusto inay jiri karaan carruur isla dhalatay oo iyaguna u baahan taageero iyo caawin.

Ka fikir kuwan soo socda:

Waa muhiim in la fahmo in haddii aad la kulanto carruurta iyo dhalinyarada qaangaarka ah inaad ula kulanto sida ay iyaga rabaan.

Hagida maamulka wadajirka ah

Bishi Juun 2022, hagida maamulka wadajirka ah oo kusaabsan dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta ayaa la bilaabay. Waa Kooxda Kartida Qaranka ee kadhanka ah dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta ee Maamulka Gobolka Östergötland oo isku dubariday hawlgal hay'ad wadaag ah. Hay'adda Dhibanayaasha Dambiyada, Barnafrid ee Jaamacadda Linköping, Hay'adda Booliiska, Maamulka Qaranka ee Caafimaadka, iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa dhamaantood taageera hagitaanka.

 Iyadoo lala kaashanayo daabacaadda hagidda hay'adda wadajirka ah, waxaa sidoo kale la bilaabay olole xog-ogaal ah oo ku saabsan shuruucda ku xeeran iyo agabka ka hortagga dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta. Dadka bartilmaameedka ah waxaa kamid ah carruurta iyo dhallinyarada qaangaarka ee nugul, iyo sidoo kale qoysaskooda iyo asxaabtooda, iyo sidoo kale xirfadlayaasha la shaqeeya carruurta iyo dhallinyarada qaangaarka ah. Warbixinta waxaa lagala soo dagi karaa hedersförtryck.se waxaana laga heli karaa kanaalo iyo aalado kala duwan, oo ay kujiraan baraha bulshada, boorarka qaabka A3-ga ah, iyo galalka macluumaadka daabacan.

Ma u baahan tahay in talo iyo taageero lagaa siiyo shaqadaada?

Haddii adiga ka xirfadle ahaan aad ubaahan tahay talada iyo taageerada ka shaqeynta dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta, waxaa jira khadka caawinta qaranka ee aad soo wici karto.