Warbixin loogu talagalay dhibaneyaasha denbifalka/gaboodfalka

Qofka adigoo kale ah oo loo geystay denbifal/gaboodfal

Haddii lagu geystay denbifal/gaboodfal waxaa xaq ugu yeelan kartaa magdhow. Noocyaha magdhowyada waa saddex: magdhowga u denbifaleha/gaboodfaleha bixiyo, magdhowga ay shirkadaha caymiska bixiyaan iyo magdhowga denbifalka/gaboodfalka oo ay dowladda bixiso. Xitaa haddii aan la garanayn magaca denbifaleha, waxaa xaq ugu yeelan kartaa magdhowga ay shirkadaha caymiska bixiyaan iyo magdhowga denbifalka/gaboodfalka oo ay dowladda bixiso.

Magdhowga iyo magdhowga ay shirkadaha caymiska bixiyaan

Haddii denbifal/gaboodfal lagu geystay dartiisa arrinta maxkamadda horteeda la geyo, maxkamadda ayaa go`aan ka gaari doonto heerka magdhowga ee denbifaleha bixin doono. Kaddib Hay`adda fulinta go`aamada sharciyeeysan [Kronofogden], ayaa la xiriiri kartaa in magdhowga ay kaaga soo qaadaan denbifaleha. Waxaa kaloo suuraggal noqon karto inaad magdhow hesho, adigoo adeegsanayo.

Magdhowga Dhibaneyaasha denbifalka/gaboodfalka

Waxaad xaq ugu yeelan kartaa magdhowga Dhibaneyaasha denbifalka/gaboodfalka, oo ay dowladda bixiso haddii magdhowga oo aan qabyo ahayn usan ku siinin denbifaleha ama shirkadda caymiska. Sidii aad xaq ugu yeelato magdhowga Dhibaneyaasha denbifalka/gaboodfalka awgeed, waa in Ciidanka booliska aad wargelisay denbifalka/gaboodfalka lagu geystay. Haddii aan la garanayn denbifaleha, waa in xaalad-baaris la sameeyay, sida tusaale baaritaanka hordhaca ah, kaasoo lagu qeexayo in lagu geystay denbifalka/gaboodfalka. Haddii Ciidanka booliska u garanayo qofka denbifaleha ah, waa in xaaladaha badidooda qofkaas denbifalka lagu xukmiyay, sida aad magdhowga Dhibaneyaasha denbifalka/gaboodfalka ku qaadato awgeed.

Magdhowga Dhibaneyaasha denbifalka/gaboodfalka wuxuu khuseeya denbifalka/gaboodfalka ka dhaca dalka Iswiidan. Waxaad xaq ugu yeelan kartaa magdhow iyadoo fiirogaar aan la siin haddii aad ku nooshahay dalka Iswiidan, ama aad booqasho ku joogto sida tusaale dalxiise ama arday ahaan. Haddii aad dalka Iswiidan ku nooshahay, xaq ayaa ugu yeelan kartaa magdhowga Dhibaneyaasha denbifalka/gaboodfalka haddii xitaa denbifalka/gaboodfalka lagu geystay adigoo dal dibadda ku yaallo ku sugna.

Yaa xaq u leh qaadashada magdhowga Dhibaneyaasha denbifalka/gaboodfalka?

Waxaa magdhow la siin karaa qofka:

  • loo gesyto xadgudub culus oo xiriir la leh sharaf-shaqsiyeed, sida tusaale haddii lagu geystay jirdil, hanjibaad, faraxumayn, denbifalka/gaboodfalka jinsiga xiriir la leh iyo dhac
  • kharashyada sida tusaale daryeel-caafimaadeedka dhakhtarka, dawooyinka daryeelida ku salaysan wadahadal
  • daqliga oo ka lummay
  • xannuun qaniinyo leh iyo xannuun, sida tusaale dareenka xannuunka ama dhibsashada muddada jirrada
  • dhaawac joogto/raage ah, sida tusaale nabar, hoos u dhaca awoodda aragga ama maqalka
  • waxyeelida dharka iyo muraayadaha indhaha ama waxyaale lamid ah oo aad haysatay markii dhaawac/waxyeelida lagu geystay.

Xaalado gaar ah waxaa dhici karto in lagu siiyo magdhowga sida tusaale wax laga kharibay ama laga xaaday iyo lacag laga khiyaanay.

Sidee baa u codsada magdhowga Dhibaneyaasha denbifalka/gaboodfalka?

Iyadoo la adeegsanayo buuxinta foom arrintaan u gaar ah ama baraha internetka ayaa Magdhowga Dhibaneyaasha denbifalka/gaboodfalka waxaa laga codsada Hay`adda Dhibaneyaasha denbifalka/gaboodfalka [Brottsoffermyndigheten]. Foomka codsiga waa in saddex sano gudahooda loo soo dira Hay`adda Dhibaneyaasha denbifalka/gaboodfalka [Brottsoffermyndigheten], tiriskaas oo laga soo bilaabo maalinta uu denbifalka/gaboodfalka dhacay, la joojiyay baaritaankii denbifalka oo hordhaca ahaa ama aynan suuraggal ahayn in rafcaan laga qaato go`aankii maxkamadda. Ilmaha loo geystay denbifalka/gaboodfalka waxay mar kasta codsan karaan magdhowga Dhibaneyaasha denbifalka/gaboodfalka ilaa maalinta ay 21 sano ka buuxsadaan.

Haddii aad u baahan tahay warbixin dheeraad ku saabsan magdhowga Dhibaneyaasha denbifalka/gaboodfalka iyo sida loo codsado, la xiriir Hay`adda arrimaha Dhibaneyaasha denbifalka/gaboodfalka [Brottsoffermyndigheten] lambarka taleefanka waa 090–70 82 00. Caawinaad iyo sida loo codsado magdhowga dartiisa waxaad kaloo la xiriiri kartaa Heeganka dhibaneyaasha denbifalka/gaboodfalka [brottsofferjour], Heeganka arrimaha dumarka dhiban [kvinnojour] ama mid kamid ah ururrada samafalka.

Halkee ayaan taageero iyo caawinaad ka heli karaa?

Waxaa jiro hay`ado iyo ururro kala duwan oo taageero iyo caawinaad laga heli karo. Ciidanka booliska iyo Xeerilaaliyeyaasha waa in dhibaneyaasha denbifalka/gaboodfalka ay wargeliyaan xuquuqdooda kana caawiyaan sidii magdhowga ku dalban lahaayeen. Maamulka adeegga bulshada ee ka hawlgala degamada wuxuu mas`uul ka yahay, in qofka adigoo kale ah oo loo geystay denbifal/gaboodfal iyo ehelkaaga ba ay helaan taageero iyo caawinaad. Waxaad kaloo la xiriiri kartaa xarumaha daryeel-caafimaadeedka ama mid kamid ah ururrada samafalka oo taageero siiyo dhibaneyaasha denbifalka/gaboodfalka.